JIMCADII CORONA VIRUS--ka LIQAY

Maanta Waa Maalin  Dareen Muraga Gooni Ah Iigu Reebtay! Cimrigeey Inta Qaan-Gaar Soo Noqday Anoo Miyir Qaba Ima Dhaafin Salaad JIMCA, Waase Qadarta Eebbe e' Maxaa Dhacay?

ISLAMku Waa Diin Xigmad & Fudeed Eebbe Uga Dhigay Aadanaha Oo Waajibkoo Idil Kadhacaa Marka Arima Khatar Ku Ah Nafta Aadanaha Lasoo Daristo. Waxaan Galnay Wadankan Turkiga Usbuucii Uhoreyaya Ee Qayla Dhaanta Fayraska CORONA Ee Sida Ba'an Dunida Uguhabsaday, Nafaf Badanna Galaaftay Lagasoo  Bilaabo Dabayaaqadii Dec,2019ki Oo Uu Shiinaha Kaddillacay Kadibna Cagta Mariyay Talyaaniga, Iiraan, Kuriya & Wadama Kaloo Badan, Haddana Usii Tallaabaya Qaaraddeenni Madowbeeyd Ee Afrika, Taagna & Tabarna Warkeeda Daa (Allow Adaa Umaqan).

Waxay Ahayd Khamiis 12ki Maarso, 2020 Markii Lagu Dhawaaqay In Lajoojiyay Waxbarashadii Dalka Laga Bilaabo 16ka Bisha Muddo 3dex Asbuuc Ah. Maalinti Kuxigtay Ee Jimcadi Salaadda Caadi Ayaan Utukannay, Khudbadda Dalka Oo Mideysanna Sidaan Ayeey Udhacaysay:

Waa Laba Qayb, Tan Hore Oo Af Turki ah & Qaybta Danbe Oo Af Carabi Ah.

Hadaba, Maanta Oo Jimca 20ka Maarso, 2020 Kuna Beegnayd Rajab 25, 1441 H Ayeey Ii Ahayd Markii Iigu Horeeysay Ee Aan Tukan Salaad Jumca, Kadib Markii Albaabada La Isugu Dhuftay Masaajiddii, Laguna Aruuray Xaafadihii. Hoyga Ardada Aan Daganahay Ee Nuraddin-Topcu e Ankara Waxaan Kudaganayn ilaa 300 Oo Turki u Badan Se Hadda Deegaanadoodi Loo Diray. Ajaanibtu HartayHadda Magaarayaan 100.

Tankale, 24kii Saac Ee U Danbeyay, Wadankan Turkiga Xaal Waxa Uu Marayaa Inta Uusoo Rittay Caabuqan 670 Qof, Dhimashaduna ilaa 9 Qofood.

Ugu Danbayn, Waxaan Alle Wayne Kabaryayaa Inuu Aduunka Kayassiro Fayraskaan Saf Marka Ahi, Kana Badbaadiyo Waddankeenni Soomaaliya. Ameen.

Comments

Popular posts from this blog

Managing Yourself | 6 Questions to Ask at the Midpoint of Your Career

What’s Next for Higher EDUCATION in 2023

Life without the Fed: The Suffolk System