Posts

Showing posts from January, 2024

2024 Iyo Waaya Kale

Image
  Bismillaah, Senaddan Cusub Ee 2024ta Waxaay Iigusoo Geshay Magaalada Muqdishu Ee Caasimadd Ummadda Soomaaliyeed. Waayahaa Isdaba Yaal Ee Midba-Midkale Idhiibayo Unbuu Qayb Kayahay. Waa Astaamaha Alle Wayne Inuu Kali Yahay, Maamulka Kownkaanna Cidi Lawadaagin, Wareeggan Xilliga Ama Zamanka Sameeyana Waa Aayad Kowni Ah Allena Lagu Garto, Garashada Fayoow Ee Aadanaha Marna Inkiri Karin. Waxaa Alle Uga Mahdin Inuu Igusimay 2024 Caafimaad & Waaya Aragnimo Hor Leh. Waxaan Alle Sidoo Kale Waydiisan in Senaddan Curattay Nagu Simmo Waddankeennii Oo Xasiloonni & Barwaaqa Nololeed Gaaray Dadkiisuna Gunta Dhiisha Kadhigtay Isku Tashi & Wax Soosaarna Ujaheeystay, Gacma Hoorsi Iyo Dawarsi Shisheeyana Ka Kaaftoomay...Bi'idnillaah. Hadaba Waxaa Iswaydiin Mudan Maxaa Isbeddel Ah Oo Lataaban Karo Ayaad Heysaa Marka Laga Soo Tago Korarka Kuyimi Cimrigaaga, Iyo kolba Dhawaansha Aad Usii Dhawaaneyso Qabriga? In Badan Waxaa Suuragal Ah Inaan Maqalno Deeyrada & Saluugga Dadka Qaar Oo Ay