2023 Iyo Waaya Kale



Bismillaah, Senaddan Cusub Waxaay Iigusoo Geshay Magaalada Istanbuul Ee Waddankan Turkey. Waayahaa Isdaba Yaal Ee Midba-Midkale Idhiibayo Unbuu Qayb Kayahay. Waa Astaamaha Alle Wayne Inuu Kali Yahay, Maamulka Kownkaanna Cidi Lawadaagin, Wareeggan Xilliga Ama Zamanka Sameeyana Waa Aayad Kowni Ah Allena Lagu Garto, Garashada Fayoow Ee Aadanaha Marna Inkiri Karin. Waxaa Alle Uga Mahdin Inuu Igusimay 2023 Caafimaad & Waaya Aragnimo Hor Leh. Waxaan Alle Sidoo Kale Waydiisan in Senaddan Curattay Nagu Simmo Waddankeennii Oo Xasiloonni & Barwaaqa Nololeed Gaaray Dadkiisuna Gunta Dhiisha Kadhigtay Isku Tashi & Wax Soosaarna Ujaheeystay, Gacma Hoorsi Iyo Dawarsi Shisheeyana Ka Kaaftoomay...Bi'idnillaah.
Hadaba Waxaa Iswaydiin Mudan Maxaa Isbeddel Ah Oo Lataaban Karo Ayaad Heysaa Marka Laga Soo Tago Korarka Kuyimi Cimrigaaga, Iyo kolba Dhawaansha Aad Usii Dhawaaneyso Qabriga? In Badan Waxaa Suuragal Ah Inaan Maqalno Deeyarada & Saluugga Dadka Qaar Ee Ay Eed & Canaan Kala Dul Dhacayaan Waayaha! Waxaad Badanaa Maqli "Xilli Xun Baa Lagu Jiraa"! "Waqtigaa Iga Hiilliyay"! Iyo Wax Lamid Ah. Dhabtuse Xilligu Maxumee Annagaa Xun, Waqtigana Innagaa Iska Dayacnay! Waxaan Kaga Baxayaa Dhowr Tuduc Oo Kamid Ah Gabaygii Imaamkeennii Waynaa Ee Abuu Cabdillaah Moxammad Bin Idriis "Ashaafici" Alle Ha Unaxariistee Uu Kaga Hadlayay  Zamanka Iyo Sida Khaldane Wax Uga Sheegnno, Aanan U Arag Waxa Inaga Khaldan:

نَعيبُ زَمانَنا وَالعَيبُ فينا***وَما لِزَمانِنا عَيبٌ سِوانا

        وَنَهجو ذا الزَمانِ بِغَيرِ ذَنبٍ*** وَلَو نَطَقَ الزَمانُ لَنا هَجانا

    وَلَيسَ الذِئبُ يَأكُلُ لَحمَ ذِئبٍ***وَيَأكُلُ بَعضُنا بَعضاً عَيانا

01/01/2023 Istanbul.

Comments

Popular posts from this blog

Managing Yourself | 6 Questions to Ask at the Midpoint of Your Career

What’s Next for Higher EDUCATION in 2023

Life without the Fed: The Suffolk System