2024 Iyo Waaya Kale

 


Bismillaah, Senaddan Cusub Ee 2024ta Waxaay Iigusoo Geshay Magaalada Muqdishu Ee Caasimadd Ummadda Soomaaliyeed. Waayahaa Isdaba Yaal Ee Midba-Midkale Idhiibayo Unbuu Qayb Kayahay. Waa Astaamaha Alle Wayne Inuu Kali Yahay, Maamulka Kownkaanna Cidi Lawadaagin, Wareeggan Xilliga Ama Zamanka Sameeyana Waa Aayad Kowni Ah Allena Lagu Garto, Garashada Fayoow Ee Aadanaha Marna Inkiri Karin. Waxaa Alle Uga Mahdin Inuu Igusimay 2024 Caafimaad & Waaya Aragnimo Hor Leh. Waxaan Alle Sidoo Kale Waydiisan in Senaddan Curattay Nagu Simmo Waddankeennii Oo Xasiloonni & Barwaaqa Nololeed Gaaray Dadkiisuna Gunta Dhiisha Kadhigtay Isku Tashi & Wax Soosaarna Ujaheeystay, Gacma Hoorsi Iyo Dawarsi Shisheeyana Ka Kaaftoomay...Bi'idnillaah.

Hadaba Waxaa Iswaydiin Mudan Maxaa Isbeddel Ah Oo Lataaban Karo Ayaad Heysaa Marka Laga Soo Tago Korarka Kuyimi Cimrigaaga, Iyo kolba Dhawaansha Aad Usii Dhawaaneyso Qabriga? In Badan Waxaa Suuragal Ah Inaan Maqalno Deeyrada & Saluugga Dadka Qaar Oo Ay Eed & Canaan Kala Dul Dhacayaan Waayaha! Waxaad Badanaa Maqli "Xilli Xun Baa Lagu Jiraa"! "Waqtigaa Iga Hiilliyay"! Iyo Wax Lamid Ah. Dhabtuse Xilligu Maxumee Annagaa Xun, Waqtigana Innagaa Iska Dayacnay! Waxaan Kaga Baxayaa Dhowr Tuduc Oo Kamid Ah Gabaygii Imaamkeennii Waynaa Ee Abuu Cabdillaah Moxammad Bin Idriis "Ashaafici" Alle Ha Unaxariistee Ee Uu Kaga Hadlayay  Zamanka Iyo Sida Khaldane Wax Uga Sheegnno, Aanan U Arag Waxa Inaga Khaldan:

نَعيبُ زَمانَنا وَالعَيبُ فينا***وَما لِزَمانِنا عَيبٌ سِوانا

        وَنَهجو ذا الزَمانِ بِغَيرِ ذَنبٍ*** وَلَو نَطَقَ الزَمانُ لَنا هَجانا

    وَلَيسَ الذِئبُ يَأكُلُ لَحمَ ذِئبٍ***وَيَأكُلُ بَعضُنا بَعضاً عَيانا


01/01/2024 
19/06/1445
MOQDISHU-Soomaaliya

Comments

Popular posts from this blog

Managing Yourself | 6 Questions to Ask at the Midpoint of Your Career

What’s Next for Higher EDUCATION in 2023

2023 Iyo Waaya Kale